“BEENIN WAR BEEN-ABUUR AH”
Maamulka MSG Group ee Somaliland, *Mudane Xamdi Ibraahim Axmed* waxa uu war-saxaafadeedkan ku caddaynayaa in gabi ahaanba aanay waxba ka jirin wararka ayaamihii u dambeeyay ay baraha bulshadu ku xidhiidho ay ku baahinayeen xubnaha ku caano maalay xaalad abuurka iyo jaho wareerinta umada ee sheegaya kulamo siyaasiya iyo abaabulo kale oo uu sameeyay *aasaasaha iyo mulkiilaha MSG Group Mudane Maxamed Aw Siciid Geedi.*
Dhammaan wararkaasi ay xubnahaasi baahiyeen waa qaar aan sal iyo raadtoona lahayn, dal iyo dawlad tabac naga galayna wax loo quudho maaha. waxanan bogaadinaynaa sida sharafta iyo milgaha leh ee bulshadu uga fal-celisay wararkaasi been-abuurka ah.
Xubnahaasi baahiyay wararkaasi been-abuurka ahna waxan la tiigsan doonaa sharciga.
ALLE AYAA MAHAD LEH
XAFIISKA GUUD EE MSG GROUP OF COMPANIES
BEENIN WAR BEEN-ABUUR AH” Maamulka MSG Group ee Somaliland, *Mudane Xamdi Ibraahim Axmed* waxa uu war-saxaafadeedkan ku caddaynayaa in gabi ahaanba
See less


















