BERBERA”WIIL DHALAINYARO AH SAAKA SALAADII HORE TOORAY LAGU DILAY IYO GACAN KUDHIIGLIHII OO BAXSADAY

0
233

Berbera (Ceelgardinews.Com) Saaka Subaxnimadii Hore ayaa waxa toori lagu khaarajiyay Marxuum dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Jaamac Maxamed Cabdi oo kamida ahaa xamaaliinta ka Xoogsaday Bakhaarada Badeecadaha Raashinka Ubadan Lagu keydiyo ee Kuyaala Xaafada Finland-ta Ee Berbera gaar ahaan agagaarka wadada laamida ah ee dhinaca Burco ubaxda. Maydka marxuumkan ayaa waxa Lagu arkay isaga oo yaala goobtaas waxaana loogu qeyla doon tagay Ciidamada Booliska Berbera,Marxuumka ayaa Waxa Dilkiisa Lagu Eedeeyay oo la sheegay inuu Qudha Midi ama Tooray Kaga Jaray Nin Magaciisa Lagu Sheegay Cawl oo ay isku shaqo ahaayeen oo ay kawada xamaalan jireen bakhaaradaas.

Marxuumka Dhintay ayaa waxa maydkiisa laga soo qaaday Goob ay Seexdaan qolyaha aan magaalada Guryaha Ku lahayn ee ka xoogsaday Bakhaaradaas oo ku dhaw goobtaas ay ushaqa tagi jireen oo ah Goob dhiri kutaalo seesasna jagooyina ay marsan yihiin.

Gacan Kudhiiglaha lagu eedeynayo inuu dilka gaystay oo lagu sheegay Magaciisa Cawl ayaa goobta uu marxuumka Ku khaarajiyay islamarkiiba ka baxsaday ilaa hadana aan la gayanayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay, waxaana maydka marxuumka Goobtaas ka Soo qaaday Ciidamada amaanka ee magaalada Berbera ilaa hadana wax faahfaahina kamay bixinin sida uu dilkaasi udhacay iyo in cid loo qabtay hase yeeshee wararka aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan inuu gacan kudhiiglihii dilkaas geystay baxsaday isla markii uu dilkaas fuliyay.

Marxuumka La Dilay ayaa Kasoo jeeda deegaanka Galbeedka Gobolka Togdheer halka La Sheegay inuu Gacan Kudhiiglaha Dilka gaystayna Kasoo jeeday Beesha Bariga Burco.

Warar aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in waxgarad, Salaadiin, Cuqaal iyo Xildhibaano kasoo jeeda Beesha Galbeedka Burco ee Marxuumku kasoo jeeday yimaadeen Berbera iyaga oo Maydkii Marxuumkana sheegay in aanay aasayn oo lagu keydiyay talaagada maydka ee Cisbataalka Berbera waxaanay Waxaradkaasi gurmadka ahi sheegeen in aanay marnaba aasayn ilaa Gacan kudhiiglihii dilka gaystay lasoo qabto Sharcigana la Horgeeyo.

Waxa la Eegayaa Talaabada ay dilkan ku waajahdo Xukumada iyo Haayadaha amniga ee Gobolka Saaxil Maadama oo dhawaan la ogaa sidii looga hawl galay sidii loo soo qaban lahaa dablaydii lagu eedeynaayay dilka Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Saaxil taas oo sababtay in xitaa Isgaadhsiinta Laga jaro Guud ahaan Gobolka Saaxil,

Halkan Ka Daawo Sawirada Goobtii Ninka Dhalinyarada ah Lagu Dilay Oo Dhiigiisii Ku Datay uu kuna dhiig baxay.

Warar qaar ayaa sheegayan in wiilka dhalinyarada ah dilkiisu dhacay habeenkii xalay goobtana uu ku dhiig baxay balse waxa maydkiisa la arkay saaka subaxnimadii.

1957335_1686126481625344_1602202478_n (1)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here