C/rashiid Xasan Mataan Oo Loo Magacaabey Booskii Boobe Yuusuf Ducaale Ee Xoghayaha Warfaafinta

0
251

Berbera(Ceelgardinews.com)March . 10, 2016-Gudoomiyaha xisbiga Wadani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku magaacabay badalka booskii uu dhawaan ika casilay Mujaahid Boobe Yusuf Ducaale oo ahaa xoghayihii warfaafinta xisbiga wadani.

Waxaana uu gudoomiyuhu booska u magacabay xoghayaha warfaafinta xisbiga wadani u magaacabay Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo dhawaan xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyey magaalada hargeysa horena u ahaa musharaxii madaxwayne ku xigeenka xisbiga UCID.

Waxaana warsaxaafadeedka uu soo saaray gudoomiye Cirro u dhignaa sida tan

REF/XIS/WAD/XDH/2300/2016 Date: March 9, 2016

Ku: Md C/rashiid Xasan Mataan =Hargeysa=

Og: Guddiga Fulinta Xisbiga WADDANI =Hargeysa=

Og: Hoggaanka Xisbiga WADDANI =Hargeysa=

Og: Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI =Hargeysa:

Ujeeddo Magacaabis Xil

Markan dersey: Qodobka 28 aad ee Xisbiga WADDANI

Markaan Arkay: Baahida loo qaba buuxintA jagada Xoghayaha War-faafinta

Markan La Tashaday: Xubnaha Hoggaankaa Xisbiga WADDANI

Marka Aan Ku Qancay: Waayo aragnimada iyo aqoonta uu leeyahay Md C/rashiid Xasan Mataan

Maanta oo ay taariikhdu tahay March,9.2016 wuxuu hoggaanka Xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane C/rashiid Xasan Mataan uu noqdo Xoghayaha war-faafinta Xisbiga WADDANI

Waxaanu ilaahay uga baaryayaa in uu ku soo kordhiyo Xisbiga WADDANI figrado wax-ku-ool ah iyo in uu ku soo biirin doono waayo-aragnimo iyo khibraadiisa u gaarka ah .

ALLAA MAHAD LEH

Md:C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”

GuddoomiyahA Xisbiga WADDANI

.

21