Dawladda Masar Oo Sidii Hore Si Ka Duwan Uga Hadashay Mustaqbalka Somaliland & Xidhiidhka Ay La Yeelanayso

0
307

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Danjire Maxamed Idriis oo ah kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Bariga Afrika qaabilsan ayaa ka warramay safarkii isaga iyo wafti uu hoggaaminayaa ay dhowaan ku yimaaddeen Somaliland iyo kulamadii uu la yeeshay masuuliyiinta dalka.

War lagu baahiyey bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa lagu yidhi, “Danjire Maxamed Idriis, Kaaliyaha wasiirka Arrimaha dibadda ee dhinaca Afrika, ayaa caddeeyey in kulan uu la yeeshay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda si uu uga xog siiyo natiijada booqashadii dhowaan isaga iyo wafti uu wataa ay ku tageen Soomaaliya, iyo dhaqangal looga dhigo dhinacyada iskaashi eel ala yeelanayo shacabka Soomaaliyeed ee aynu walaalaha nahay”

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay bogga internet ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Masar oo lagu faafiyey Jimcihii dorraad 15ka Abriil 2016ka waxa uu intaas kadib si gaar ah uga warramay socdaalkii uu waftia Kaaliyaha wasiirku ku yimid Somaliland oo uu sheegay in ay bog cusub u furayso xidhiidhka iyo Iskaashiga ay Masaaridu la leedahay Somaliland. “Booqashadan waftiga Masar waxaa ku jiray Somaliland, taas oo u taagan marxalad cusub oo u bilaabantay xidhiidhka Masar iyo iskaashiga ay la leedahay Somaliland” Ayaa lagu yidhi warka uu Kaaliyaha wasiirku ku faafiyey bogga internet ka ay ku leedahay wasaaraddiisu. IsagXubnaha a oo intaas ku sii daray, “Xubnaha waftiga Masaaridu kulamada ay ku yeesheen Somaliland waxa ay ka sheegeen qiimaha ay u hayaan waxa ka socda Somaliland ee ah, xasiloonida siyaasiga ah, soo celinta nabadgelyada iyo ammaanka, iyo dadaalka adag ee ay ugu jirto ka dhabaynta horumarka dhinacayada kala duwan”

“Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda Masar Danjire Maxamed Idriis, waxa uu warkan ku xaqiijiyey in kulamadii uu la yeeshay madaxweynaha Somaliland, wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee Somaliland ay ahaayeen kulamo muhiimad weyn u leh, dardar gelinta iskaashi midho dhal noqda iyo xaqiijinta danaha la wadaago” ayaa lagu yidhi warkan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar waxa ay warkeedan kaga hadashay qorshaheeda xidhiidhka ay la leedahay Somaliland iyada oo hoostana ka xariiqday taariikhda soo jireenka ah eek a dhexeeyey Masaarida iyo Somaliland, waxa aanay warkan ku tidhi, “Masar waxa ay indhaha ku haysaa sii wadista booqashooyinka noocan ah, iyo xidhiidh joogto ah oo ay la yeelato walaalaha Somaliland, si loo xaqiijiyo xeeldheeraanta taariikhiga ah ee xidhiidhka Masar ay la leedahay Somaliland. Isla markaana loogu dadaalo in loo dhaqaaqo jiho cusub oo ah iskaashi taageeraya nabadgelyada, xasiloonida iyo horumarka, loona rumeeyo danaha lagama maarmaanka ah ee la wadaago”

Ugu dambayntii wasaaradda arrimaha dibadda Masar waxa ay warkeedan kaga hadashay aragtideeda la xidhiidha mustaqbalka siyaasiga ah ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, laakiin markan waxa ay uga hadashay si ka duwan sidii ay uga hadashay qasiyadda Somaliland mar war ay faafisay wakaaladda wararka ee Masar kaga hadashay isla safarkan. Danjire Maxamed Idriis waxa uu warkan hadda ee wasaaraddiisu faafisay ku sheegay in jihada cusub ee hadda uu qaatay xidhiidhka Masar ee ku aaddan dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya uu yahay in go’aanka mustaqbalka siyaasiga ah ee Soomaaliyadii hore loo daayo Soomaalida. “Waxa uu taageerayaa, (Qorshaha cusub ee xidhiidhku) doonista shacabka Soomaaliyeed ee aanu walaalaha nahay, iyo doorashada go’aannadiisa uu ku jaangoynayo mustaqbalkiisa siyaasiga ah”

Waftigan oo horraantii bishan yimid Somaliland kulanno kala duwanna la yeeshay masuuliyiinta dalka ayaa la sheegay in ay danaynayaan xidhiidh diblumaasiyadeed iyo dhaqaale oo ay la yeeshaan Somaliland, in kasta oo ay Somaliland aad u soo dhoweysayna waxa ay xaaladdu xumaaday markii war-murtiyeed ay soo saareen safarkooda kadib ay ku yidhaahdeen, “Waxaa in la ogaado mudan, in dalka Masar uu raadinayo, in uu gacan caawimo ku yeesho, isla markaana uu xoojiyo iskaashiga iyo isku duubnida uu la leeyahay dadka Soomaaliyeed ee gobollada oo dhan, isaga oo ku guda jira xayndaabka mawqifka rasmiga ah ee dalka Masar, oo ay ka mid tahay in uu taageero diblomaasiyadeed siiyo midnimada iyo is-raacsanaanta dhuleed ee Soomaaliya.” Arrintaas oo ay aad uga biyo diideen shacabka iyo dawladda Somaliland, laakiin sida warkan hadda ka muuqta wasaaraddu waxa ay aad u dabcisay lahjaddaas diblumaasiyadeed ee ay markaas hore ku hadashay, walow

sidaas ayaa lagu soo gunaanaday warsaxaafadeedka uu soo saaray weftigii Masar ee dhawaan socdaalka ku yimdi Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here