Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo Xeer Madaxweyne ku soo saaray Dhismaha Guddiyada Xil-wareenta Qaranka.
Guddiyadan ayaa u xil saarnaan doona kala wareejinta masuuliyadaha, xogaha iyo hantida xafiisyadda Hay’adaha xukuumadda.
dhinaca kale guddiyadan xil wareejinta ayaa ka koobnaanaya, guddida xil wareejinta wasaaradaha, Hay’adaha madaxa bannaan, Komishanada iyo Wakaaladaha xukuumadda dhexe.
Sidoo kale waxa jiraya guddida xil wareejinta ciidamada Qaranka iyo guddida xil wareejinta maamulka dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka dalka.
Guddiyadana ayaa xilkooda iyo waajibaadkoodu noqon doonaa hagista iyo maamulida hannaanka xil wareejinmaha Hay’adaha xukuumadda, iyada oo la raacayo madaadi’da hufnaanta iyo isla xisaabtanka.
Dhinaca kale guddidan ayaa xaqiijin doonta xogaha, Dukumintiyada rasmiga ah, heshiisyada iyo hantida Hay’adaha xukuumadu inay si sax ah ugu kala wareejiyaan masuuliyiinta Hay’adaha.
Sidoo kale waxa ay xaqiijin doonaa faylasha, Diiwaanada Maaliyadeed iyo qoraalada muhiimka ah ee xil wareejintu ka kooban tahay ay yihiin kuwo dhamays tiran, sax ah isla markaan u habaysan si waafaqsan nidaamka kaydinta xogaha Qaranka.

















