GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE OO AGAB CIYAAREED GUDDOONSIIYEY 8-KOOXOOD OO KUBADDA CAGTA AH KANA DHISAN MAGAALADA BOORAMA

0
291

Boorame (Ceelgardinews.com) Hoggaanka sare e Xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa agab ciyaaraha ah guddoonsiiyey kooxo kubadda cagta ah oo katirsan kooxaha ka dhisan caasimadda gobolka Awdal ee Borama.

Munaasibad agabkan lagu guddoonsiinayey 8-kooxood oo isugu jira heerka koowaad iyo labaad oo ka dhisan magaaladda borama ee xarunta gobolka awdal, ayaa lagu qabtay gegida kubadda cagta ee Xaaji Daahir Stadium, waxana halkaas hadallo dhiirrigelin ah ka jeediyey xubno ay kamid ahaayeen guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenkiisa koowaad Md Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyo Agaasimaha guud ee wasaaradaasi, waxaana daawashadda ciyaartani kazoo qayb galay boqolaal dadweyne ah .ciyaartoy

Siddeedda kooxood ee agabka ciyaaraha la guddoonsiiyey, ayaa kamid ahaa kooxaha ka qayb qaadanaya tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan ka socda garoonka weyn ee Xaaji Daahir Stadium ee magaalada Borama, waxana dhallinyaradii agabkaas la gudoonsiiyey wajiyadooda ka muuqatay farxad la xidhiidha agabka ay heleen.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa dhallinyarada ku dhiirrigeliyey inay ku dedaalaan ciyaaraha kala duwan ee ay ku jiraan, waxana uu tilmaamay in xisbiga KULMIYE uu haatan fuliyey ballan uu hore u qaaday oo ahayd inuu dhallinyarada siin doono agab ciyaareed, “aad baan u hambalyeynayaa ciyaartoyda gobolka Awdal, sanadka soo socdana waxan rajaynayaa in garoonka la dhigi doono dooggii macmalka ahaa, dalkii Somaliya la odhan jireyna waxa ugu sarrayn jirey ciyaartoyda reer Somaliland, reer Boramana waxan ku dhiirrigelinayaa inay kor u qaadaan hannaanka ciyaaraha, ujeeddadayaduna waa inaanu fulino ballantii ahayd inaanu halkan ku bixino agabkii ciyaaraha ee kooxuhu kaga qaybgelayeen tartanka bisha barakaysan eer Ramadaanta.” ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin.ciyartoy
ciyartoy

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi oo isaguna munaasibadda ka Hadlay, ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu da’yarta reer Borama kala qaybgalo munaasibadda ay agabkaas ku guddoomayeen, waxana uu dhallinyarada ku dardaarmay inay ka dheeraadaan belwadaha ragaadin kara mustaqbalkooda, waxana uu yidhi, “farxad weyn bay ii tahay inaan maanta dhallinyarada ku ciyaaraysa garoonka Xaaji Daahir kala qaybgalo ciyaaraha, aad baan dhallinyarada ugu hambalyeynayaa ciyaaraha ay ku jiraan, kuwooda aan ciyaaraha ka qaybgelin ee laga yaabo inay wakhtiga ku lumiyaan qaad iyo wax aan micno lahayna inay ka waaniyaan. Waxa kale oo da’yarta ku dhiirrigelinayaa inay noocyada kale ee ciyaaraha ku dedaalaan waayo Soomaalidu jinsi ahaan way ku fiican tahay ciyaaraha.”

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cabdilaahi Faarax Maydhane oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in xisbiga KULMIYE ay ka go’an tahay inuu bulshadiisa wax u qabto, isla markaana uu qaybtiisa ka qaato tallaalbo kasta oo horumarka bulshada la xidhiidha.agab ciyaareed

Ugu dambayntii guddoomiye Muuse Biixi iyo wasiirka Ciyaaraha Md Cabdilaahi Faarax Maydhane waxa ay si wada-jir ah u dhagax dhigeen Roogga macmalka ah oo dhawaan la dhigi doono garoonka Xaaji Daahir ee magaalada Borama, taas oo dhallinyaradii halkaas ku sugnaynda ay si weyn ugu riyaaqeen.