WARBIXIN CULUS OO KA DEYRISAY XAD-GUDUBYO BARRIINSADAY MUQURMAALKA SOOMAALIDA AH EE U SHAQO TAGA SUCUUDIGA & HRW OO KA DIGTAY

0
317

Riyaad (Ceelgardinews.com/The New Arab) – “Iyadoo dhawaan la saxeexay heshiis cusub oo dhigaya in shaqaale guryaha ka shaqeeya oo Soomaali ah oo dhan 600 ilaa 1,000 loo diro Sacuudiga bishaan Ramadaan ayaa bishani sideedaba ay shaqo badan tahay”. Sidaas waxaa qortay jariidada the New Arab. Taas waxaa u sabab ah shaqada cunno karinta oo badan bishan barakaysan ayadoo af-fur iyo saxuur la kariyo taasoo sababta in shaqaalaha guryaha ka shaqeeya Khaliijka ay shaqeeyaan saacado dheeraad ah waxaana inta badan dhacda in xad gudubyo badan lagula kaco shaqadana lagu badiyo. Jariiradu waxay sheegtay in tobankii sano ee lasoo dhaafay ay wax ka qortay xadgudubyo ba’an oo fara badan oo ka dhan ah shaqaalahaa. Shaqaallahan ayaa sida warbixintu tilmaamtay waxaa ay loo shaqeeyayaashu ku

shaqaale

tuntaan xuquuqdooda iyaga oo ku amar ku taagleeya isla markaana baasaaboorrada iyo dhukumentiyada kale ee sharci ee ay dalka ku joogaan shaqaallahani u gacan galo mulkiillayaasha ama masuuliyiinta ay u shaqaynayaan ee sucuudiyaanka ah, si ay taas bedelkeeda ay ugu khasbanaadaan shaqda adage e ay qabanayaan, sidoo kalena aanay u hawaysan in ay shaqooyin ka fudud kuwan ku hamiyaan doonashadeeda. Jariirradu waxaa ay hoosta ka xariiqday in aanay shaqaallahn Soomaalida ahi helin wax xuquuq ah oo ay ku bedeshaan shaqada adag haba ahaato nasashannee. Heyada xaquuqul insaanka udooda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay inaan shaqaalahaa in badan oo ka mid ah aanan lasiin mushaaraad buuxa, in dadka ay u shaqeeyaan aysan ogoleyn inay ka baxaan guryaha isla markaana aan lasiin cunno kufilan. Mararka qaar dhaawacyo iyo dil ayaa loo geystaa shaqaalaha guryaha ee Khaliijka falal galmo oo sharci darro ahna waa lagula kacaa. Hadii ay isku dayaan inay shaqada ka tagaan, waa la xidhaa ama waa lasoo masaafuriyaa. Dalalka qaarkood waa ay mamnuuceen in ay muwaadiniintoodu u shaqo tagaan Sacuudiga, dawladihii ugu dembeeyey ee ka mamnuuca in muwaadiniintoodu shaqo u doontaan boqortooyadaasna waxaa kamid ah dalalka Indooniisiya iyo Yugaandha. Hayada xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegeysa in loo baahan yahay in la fahamsiiyo shaqaalah xaalada ay ku shaqeyn doonaan ka hor inta aysan Soomaaliya ka tagin, xaquuqdooda iyo halka haddii dhib uu ku yimaado ay cawimaad ka heli karaan. Human Rights Watch waxay sidoo kale ugu baaqeysaa dawlada Soomaaliya inay ansixiso Heshiiskii Caalamiga ahaa ee Shaqada ee QM oo ah heshiis lagu badbaadinaayo shaqaalaha caalamka oo dhan oo ay kujiraan shaqaalaha guryaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here