Dalka Itoobiya Oo Amar Ku Siisay Maraakiib Shixnad Raashin ah U Siday In Ay Ka Shiraacdaan Dekeda Djibuuti Una Wareegaan Dekadaha Berbera iyo Port Sudan

0
318

Ethiopia (CeelGardinews.com) Dalka Itoobiya ayaa amar ku siisay marakiib waday raashin oo ku sugneyd Jabuuti in ay u shiraacdaan dhanka  Dekadaha Berbera iyo Port Sudan si loo dadajiyo hawlaha gurmadka.

download

 

 

 

 

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in sugitaanka dheer ee maraakiibtu ay sii xumayn karto xaalada cakiran ee gurmadka loo geysanayo dadka ku tabaaloobay abaaraha.
Wasiirka gaadiidka Itoobiya ayaa sheegay in uu dalku wajahay dhibaato dhanka gaadiidka ah iyada oo la waayey gaadiid raashinka ka soo daabula Jabuuti. Wasiirka ayaa tilmaamay in dalkiisu la xoojoonayo wadanka Suudan iyo Somaliland si loo helo gaadiid ka soo qaada raashinka gargaarka ah dekada Port Sudan.
Qaramada Midoobay ayaa walaac kaa la-mid ah qabta iyada oo aad uga cabatay gaadiid la’aan.
Itoobiya ayaa aad ugu tiirsan dekada Jabuuti, balse waxa ay hadda u muuqataa in dekadaasi ayna buuxin karin baahida dalka xilli aad loogu baahan yahay in ay la dadadjiyo hawlaha samafalka ee dadka abaaruhu ku dhufteen.
Waxaa xusid mudan, in wafdi ka socda Itoobiya uu dhawaan heshiis ku saabsan arrintan la galay Dawalada  Somaliland.

 

images (1)

 

 

 

 

Wasiirka gaadiidka, Kaassuhun Hailemaraim, ayaa sheegay in ay marakiibtu ku jiraan saf ilaa hal bil iyada oo taasi ay xukuumada Ahaa ku kalifeyso bixinta kharash dheeraad ah.
Waxaa Dalka Jabuuti hadda ku sugan 10 markab oo raashin Mucaawimo ah sida, halka maraakiibtii kale amar lagu siiyey in ay ku xidhaan dekadaha Berbera iyo Port Sudan.

download (1)

 

 

 

 

Itoobiya ayaa la daala-dhaceysa xakamaynta abaartii ugu darneyd ee dalka soo marta ilaa muddo 50 Sano ah.

Dad tiradoodu u dhaxeyso 10 – 20 milyan Oo Qof  ayey abaaruhu siyaabo kala duwan u saameeyeen.

 

CeelGardinews.com

Berbera. Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here