Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL Cabdalle Maxamed Carab, oo ay weheliyaan Agaasimaha guud, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta,

0
68
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL Cabdalle Maxamed Carab, oo ay weheliyaan Agaasimaha guud, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, la tilayayaasha Wasaaradda, Adam smith international iyo madaxa xafiiska dawladda engriiska ee Hargeisa, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay dhamaystirka istraatijiyada amniga Qaranka Somaliland oo diyaarinteeda la waday saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.
Istaraatijiyadan waxa farsamo iyo dhaqaale ahaan wasaarada arimaha gudaha iyo amniga, ka taageeray Adam Smith International( ASI) iyo dawladda Engriiska xafiiska Hargeysa.
Waa markii ugu horaysay ee Somaliland yeelato istaraajiyada guud ee Amniga Qaranka, iyada oo wax ka tari doonta hawlaha lagu horumarinaayo amniga guud ee qaranka.