Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacabay Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May Aan Maalinta Qaranimada JSL Xili Aan Wakhtiga Xuskaasi Dhawayn Oo Dadka Uu Magcaabay Qaarkood Dib Xukumadaasi Uga Bixi Karaan

0
374

Hargaysa (CeelgardiNews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3850/022016 ku Magacaabay guddi qaran oo u xilsaaran qabanqaabada Xuska Sannad Guurada 25aad ee ka soo wareegtay Maalinta Qarannimada Somaliland.

 

WAR-SAXAAFADEED

 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahayJSL/M/MG/241-3850/022016 ku Magacaabay guddi qaran oo u xilsaaran qabanqaabada Xuska Sannad Guurada 25aad ee ka soo wareegtay Maalinta Qarannimada Somaliland.

Direetada Madaxweynuhu ku magacaabay Guddida heer qaran waxay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo:       Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas oo loo baahan-yahay in sannadkan loo xuso si weyn, isla markaana Bulshada Somaliland dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan.

Sidaas darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

Xubnaha Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

1.         Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                Guddoomiye

2.         Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                           Guddoomiye Ku-xigeen

3.         Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga                                                                 Xubin

4.         Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka                              Xubin

5.         Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada                                                     Xubin

6.         Maayarka Caasimadda Hargeysa                                                                            Xubin

7.         La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka                                            Xubin

8.         Md, Sharmarke Axmed Muxumed (Xoghayaha Golaha Wasiirrada)             Xoghaye

9.         Mudane, Caydaruus Mahdi Xaashi (Habmaamuus Ku-xigeenka Madaxtooyada)      Xubin

10.       Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (SONSAF)                                                          Xubin
11.       Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (SONSAF)                                                            Xubin

12.       Marwo, Nafisa Yuusuf Aw Muxumed (NEGAAD)                                                  Xubin

13.       Mudane, Siyaad Cumar Cali (SONYO)                                                                     Xubin

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

        Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.             

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here