WAREEGTO UU HORE WASIIRKA WAXBARASHADU UGU MUDDEEYEY SOO BIXITAANKA NATIIJADA IMTIXAANNADA SHAHAADIGA AH OO BEENOWDAY

0
376

Hargeysa:( Ceelgardinews.com )-Waxa bar-kuma taal noqday wareegto uu hore u soo saaray wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somalilad, Md Cabdilaahi Ibraahim Habane(cabdilaahi dheere), taas oo ku saabsanayd xilliga rasmiga ah ee loo qoondeeyey in lagu dhawaaqo natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada ee dugsiyada sare iyo kuwa siddeedaad ee dugsiyada hoose/dhexe.

wasaaradda-waxbarashadaWareegtada fashilantay ee uu hore wasiir Cabdilaahi Dheere usoo saaray, ayaa ku aadanayn in natiijada imtixaanka la shaaciyo 1-da bisha siddeedaad ee aynu ku jirno ee sanadka 2016-ka oo haatan maalintii afraad laga joogo, taas oo u astaysnayd maalinta albaabada loo furayo dhammaanba dugisyada waxbarashada ee waddanka ku yaalla.

Wasiirka ayaa shir jaraa’id oo uu xilliyadii imtixaannada laga baxay kadib  uu qabtay ku shaaciyey in natiijada loo cayimay lagu soo saaro 1-da  bisha siddeedaad, balse ilaa iyo haatan lama hayo wax natiijo ah oo uu xafiiska imtixaanaadku soo saaray, iyadoo sidoo kale aanay jirin wax cudur daar ah oo xafiiskaasi ka bixiyey dib udhaca ku yimi wakhtigii umadda loo sheegay in natiijada lagu heli doono.

Sidoo kale waxa dhammaanba dugsiyada gaarka loo leeyey ee dalka ku yaalla ku gudo jiraan diiwaangelinta ardayda cusub ee sanad-dugsiyeedka cusub, waxana ay tallaabadani ka hor imanaysaa wareegtada uu hore wasiirku usoo saaray oo ay ku xusnayd inaan wax arday ah la diiwaangelin Karin ilaa iyo inta ay natiijada imtixaanku soo baxayso.

Xogo u dhuun daloola diiwaangelint Ardayda cusub, ayaa sheegaya in inta badan tirada la diiwaangeliyey ay u badan yihiin arday aan tayadooda waxbarashadu fiicnayn amaba ka warwarsan natiijada soo bixi doonta, kuwaas oo qaarkood hore u ahaayeen fasallada siddeedaad ee haatan natiijada sugaya, isla-markaana haatan sii  fadhiistay fasalka koowaad ee dugsiga sare oo aanay xaq u lahayn.

Xafiiska imtixaanka qaranka ayaan wali bulshada siinin  jawaab ay kaga qanci karaan baaqashada xilligii loo cayimay inay natiijadu soo baxdo iyo waliba sababta keentay in wareegtaadii wasiirku noqoto hal bacaad lagu lisay, iyadoo hore loo qabay yididiilo ah in sanadkani noqon doono mid ka duwan kuwii hore ee imtixaanada iyo diiwaangelinta ardayda cusubiba habaqlaha iska ahaan jirtey.

Sidoo waxa aanay wali wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare jawaab ka bixinin waxa uga meel yaalla mudd-dhaafka ku yimi sixitaankii imtixaanka, taas oo culayska ku keenaysa ardayda doonaysa inay ka gudbaan marxaladihii hore ee waxbarasho oo haatan ay dugsiyadii ay geli lahaayeen waxbarashadii iska sii bilowdeen.

Dhego adaygga dugsiyada gaarka loo leeyey ee ka dhanka ah dhawaaqyada iyo awaamiirta kasoo baxa wasaaradda waxbarashada, ayaanay sidoo kale wasaaraddu wali wax xal ah oo la arki karo ka gaadhin.